AF-SOMALI (SOMALISKA)

Macluumaad ka qeyb gale

Mas’uul diraaso oo qaran
Barafasoor, dhakhtar sare Anna Karin Wikström
Qeybta dumarka, Isbitaalka akadeemiyada ee Uppsala
Email: uppsala@impactstudien.se

Hordhac
Waxaa lagu weydiisanayaa in aad ka qeyb qaadatid diraasad looga golleeyahay in lagu baaro haddii horraanta hore ee marka la uuraysto la saadaalin karo dumarka inta ay uurka leeyihiin la kulmi doona dhibaatooyin ad-adag. Dhammaan dumarka la saarayo qalabka uur jiifta lagu eego (ultraljud) inta uu uurku cusubyahay waa la weydiin doona in ay ka qeyb qaataan. Billawga hore waxay diraasaddu diiradda saari doontaa uur ku sumoobidda (sumoobid), laakin gadaal dambe waxaa xitaa la eegayaa dhibaatooyinka kale sida waxyaabaha koritaanka carqaladeeya (canug aad u yar marka la eego inta uu uurka ku jiryay) dhicis dhalid.

Ka qeyb qaadashadaada diraasadda IMPACT waa mid doorashadeeda leedihid, aadna goor kasta ee aad doontid go’aan ku gaari kartid in aad joojisid ka qeyb qaadashadeeda. Sida caafimaad ahaan laguu gacan qabanayo saameyn kuma yeelaneyso taasi. Diraasadda waxaa lagu fulin doonaa xarumo dumar oo fara badan oo Swiidhan ku kala yaal.

Xagga diraasadda
Seddaxda dhibaato ee caadi ahaan ugu badan ee gadaal ka yimaada marka uurka la leeyahay waa uur ku sumoobid, koritaan la’aan iyo dhicis dhalid. Seddaxdaas dhibaato waxay keeni karaan bukasho, marar aad u dhif ah waxay canugga markaas dhashay u keeni karaan dhimasho, uur ku sumoobidduna waa waxa caadi ahaan ugu badan ee sababa in hooyooyinka markaas dhalay ay aad u xanuunsadaan. Waa wax aad u adag in billawga hore ee uurka la ogaado haweeneyda dhibaatooyinkaasi haleeli doonaan. Ulajeeddada laga leeyahay diraasaddan waa in la hormariyo tijaabo wax ku ool ah oo baaritaan saf-mara ah, halkaas oo la eegayo in ay qoftu khatar aad u weyn ugu jirto dhibaatooyinkaas iyo in kale, sidaasna loogu helo nidaam u gaar ah oo lagula soconayo inta ay uurka leedahay, haddii loo baahdana si ka hortag ahaan loogu daweeyo

Booqasho usbuuca 11- 14
Si la xiriirta baaritaanka uur jiifta lagu eegayo ee ugu horreeya ama baaritaanka lagu eegayo uur jiifta ee ay la socoto kiimikada (baaritaanka-(KUB) ee xilliga usbuuca 11-14 ee uurka, ayaa laguugu wargelin doonaa diraasadda, haddii aad go’aansatid in aad ka qeyb qaadatidna waxaa laguugu diiwaangelin doonaa diraasadda IMPACT. Waxay taasi ka dhignaan doontaa in aad saxiixeysid oggolaasho ku aaddan in aad ka qeyb qaadatid, waxayna kaaliye-kalkaaliso caafimaad, umuliso iyo dhakhtar ku weydiin doonaan tiro su’aalo ah oo ku aaddan uurkaaga. Cadaadiska dhiiggaaga, dhererkaaga iyo culeyskaaga ayaa la cabbiri doonaa, waxaana intaas dheer in dhiig lagaa qaadi doono, tubbo qaadda ugu badnaan 10 ml (mararka qaarkood waxaa taas beddelkeeda la adeegsan karaa dhiig la qaboojiyay oo laga soo qaaday dhiigaggi KUB-ka ee horay lagaaga qaaday. Waxay taasi marki leysku daro qaadaneysaa ku dhawaad 20 daqiiqo. Si la xiriirta baaritaanka lagu eegayo uur jiifta waxay xarumaha qaarkood baari doonaan sida dhiiggu uu ugu socdo xididdada taga ilma galeenka iyagoo la adeegsanayo Dopplerultraljud.

Bangi la dhigo baaritaan (baaritaan dhiig oo dheeraad ah)
Isbitaallada iska kaashanaya diraasaddan qaarkood waxay heli karaan bangi la dhigo baaritaanno. Haddii aad ka tirsantihid isbitaal nuucaas ah waxaa laga yaabaa in lagaa qaado dhiig baaritaan oo dheeraad ah (2 tubbo oo ah 10 ml iyo mid ah 5 ml) oo lagu qaboojinayo bangi la dhigo baaritaanno oo la xiriira isbitaalka aad ka tirsantihid. Adiga marka lagaa hadlayo waxaa bangiga la dhigo baaritaannada ee ku khuseeya la dhahaa Uppsala biobank, waxaan lagala xiriiri karaa http://www.uppsalabiobank.uu.se/sv, Uppsala Biobank Dag Hammarskjölds väg 38, 5 tr UCR, Uppsala Science Park, Hubben 751 85 Uppsala, info@uppsalabiobank.se.

Macluumaad kasta iyo dhammaan baaritaannada waxaa la siinayaa kood lagu garto, waxaana loo maareynayaa si magac la’aan ah. Mustaqbalka waxay cilmi baarayaashu fursad u heli doonaan in ka dib marka ay oggolaasho ka helaan guddiga anshaxa ay guddiga cilmi baarista ee diraasadda ka codsadaan in ay fursad u helaan inta harsan ee baaritaannada dhiigga ee bangiga baaritaannada la dhigo. Taasna waxaa loogu tala galay cilmi baaris la xiriirta oo looga golleeyahay in la helo calaamado muujinaya dhibaatooyinka xagga uurka. Markaasna diraasadda lagama aqoonsan karayo cid gaar ah oo baaritaanka dhiigga laga qaaday ee waxaa loo gudbinayaa oo keliya macluumaad koodad loo sameeyay.

Faa’iidooyin, khataro iyo ammaan
Diraasadda wax faa’iido ah kama heleysid inta aad leedihid uurka iminka aad leedahay, laakin waxay faa’iido u noqoneysaa jiilasha soo socda ee dumarka uurka leh ee Swiidhan. Laga yaabee in adigu xitaa aad faa’iido ka heshid natiijada marka soo socota ee aad uur yeelatid. Qaaditaanka dhiigga wax la karaahiyeysto ayey dadka qaarkiis u arki karaan, wuxuuna mararka qaarkood keeni karaa dhiig roor yar.

Ka qeyb qaadashada
Haddii aad oggolaatid ka qeyb qaadashada xor ayaad u tahay in aad diraasadda ka baxdid goorti aad doontid adigoon wax sabab ah sheegin, taasina saameyn kuma yeelaneyso sida kale ee hey’adaha caafimaadka laguugu gacan qabanayo. Goorti aad doontid waad la noqon kartaa baaritaannada dhiigaggaaga (markaas waa la baabi’inayaa), macluumaadka kugu aaddan adiga iyo uurkaaga.

Wax guud
Macluumaad dheeraad ah oo diraasadda ku aaddan waxaad ka heli kartaa cidda isbitaalkaaga cilmi baarista mas’uul uga ah (hoos ka eeg macluumaadka lagala xiriiri karo). Uma baahnid in aad ka jawaabtid dhammaan su’aalaha la isku weydiinayo casuumaadda, waadna iska joojin kartaa wareysiga goorti aad doontid.

Maareynta macluumaadka shakhsiga ah
Cidda macluumaadkaaga shakhsiga ah mas’uulka ka ah waa Jaamacadda Uppsala. Diraasadda diyaarka ah kama muuqaneyso cidda ka qeyb qaadatay. Cidda isu xireysa macluumaadka, waxa uurka ka dhasha iyo baaritaannada dhiigaggu waa Graviditetsregistret [Diiwaanka Uurka, ö. a.], dabadeedna waxay cilmi baarayaashu fursad u helayaan oo keliya macluumaad koodad loo sameeyay. Warbixinnada waxaa lagu gudbinayaa oo keliya heer koox ahaaneed. Keliya cidda isbitaalkaaga diraasadda mas’uulka uga ah iyo Graviditetsregistret ayaa fursad u heysta in ay ka shaqeeyaan macluumaad aan koodad lahayn si ay tayada u xaqiijiyaan, una dhameystiraan macluumaadka ku aaddan uurkaaga, dhalidda ama canugga markaas dhasha. Waxaa macluumaadka shakhsiga ah loo maareynayaa si waafaqsan qaraarrada cusub ee dhawrista macluumaadka shakhsiga ah ee Midowga Yurub (GDPR). Xaqbaad u leedahay in aad codsatid macluumaadka ku aaddan macluumaadka shakhsiga ah ee la maareynayo kuwa ay yihiin. Waxaad codsigaaga u diri kartaa Dataskyddsombudet [Wakiilka dhawrista macluumaadka, ö.a.] (region.uppsala@regionuppsala.se). Jawaabahaaga iyo macluumaadkaaga waxaa loo maareyn doonaa si cid aan ehel u ahayn aysan u heli karin.

Baaritaannada bangiga baaritaannada la dhigo
Saamiyada diraasadda leesaga qaadayo waxay ka tirsanaan doonaan bangiga baaritaannada la dhigo ee Uppsala (nambarka diiwangelinta 827 ee Hey’adda kormeerka laamaha caafimaadka (IVO)) sida ku cad xeerka bangiyada baaritaannada ee caafimaadka (SFS 2002:297), ee nidaaminaya sida ay tahay in baaritaannada loo keydiyo, loona isticmaalo. Baaritaannada waxaa la xafidi doonaa iyagoo koodad leh taasoo ka dhigan in baaritaanka aan toos adiga shakhsi ahaan laguula xiriirin karin. Baaritaan kasta wuxuu leeyahay kood u gaar ah si looga fogaado in wax leysku qaso. Baaritaannada iyo liiska aqoonsiga ee uu leeyahay (furaha koodka) waxaa lagu keydin doonaa bangiga baaritaannada la dhigo ee Uppsala, iyagoon isku meel oollin, waana laga ilaalinayaa in ay u gasho cid aan ehel u ahayn. Furaha koodka waxaa lala wadaagi doonaa cidda diraasadda mas’uulka ka ah iyo diiwaanka uurka. Cilmi baarayaashu fursad wey u heli karaan bangigeenna baaritaannada la dhigo iyo macluumaadkooda uurka ka dib marka anshax ahaan la oggolaado mashruucooda. Saamiyadaada dhiigagga waxaa baaritaan loogu diri karaa sheybaarradeenna ama sheybaarro ay wada shaqeyni naga dhexeyso, gudaha iyo dibadda waddamada EU/EES ama USA. Borotiinnada, hormoonnada iyo unugyada waa la baari karaa. Sidaas oo kale cudurradaada iyo cudurrada carruurtaada waa la diraaseyn karaa iyadoo lagala soconayo diiwaannada qaranka ee tayada- iyo caafimaadka. Haddii uu cilmi baare doonayo in uu la socdo diiwaannada tayada- iyo caafimaadka waxaa markaas macluumaadka maareynaya diiwaanka uurka iyo hey’ad kastaba goonideeda.  Cilmi baarayaasha waxaa la siinayaa oo keliya macluumaad aan aqoonsi lahayn. Xaqbaad u leedahay in adigoon wax sharraxaad ah bixin aad dalbatid in baaritaannadaada dhiigga ee la keydiyay la baabi’iyo, macluumaadkaaga la tirtiro.

Natiijo
Natiijada diraasadda waxaa lagu faafin doonaa wargeysyada marba-mar soo baxa ee caafimaadka, waxaana laga heli karayaa bogga intarneetka ee diraasadda IMPACT. Natiijooyinkaaga kuu gaarka ah suurta gal ma noqoneyso in la arko.

Oggolaasho
Diraasadda waxaa oggolaaday Guddiga anshaxa ee Gobalka Uppsala.

Inta aadan go’aan gaarin waxaa muhiim ah in aad fahamtid waxa ay diraasaddu kaaga dhigantahay. Haddii aad qabtid wax su’aalo ah oo dheeraad ah ama ay macluumaad kaa maqanyihiin taas la soo qaad la taliyahaaga ama cid ka mid ah dadka lala xiriirayo ee hoos ku qoran. Haddii aad dooratid in aad ka qeyb qaadatid waxaan kaa codsaneynaa in aad saxiixdid ”oggolaasho laysku wargeliyay”, oo dabadeed koobi lagaa siinayo.

Mas’uuliyiinta (macluumaadka bukaanka ee maxalliga ah cidda mas’uuliyadda weyn leh iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah leh waa la diiwaan gelinayaa)

Mas’uulka ugu weyn iyo mas’uulka maxalliga ah ee Uppsala:
Anna Karin Wikström Överläkare, professor
Kvinnokliniken, Akademiska sjukhuset
75185 Uppsala
E-mail: uppsalauppsala@impactstudien.se

Mas’uulka maxalliga ah Göteborg:
Ylva Carlsson
Överläkare, medicine doktor
VÖL Ultraljudsenheten
Sahlgrenska Universitetssjukhuset/ Östra
Diagnosvägen 15
416 85 Göteborg
E-mail: goteborg@impactstudien.se

Mas’uulka maxalliga ah Skånes universitetssjukhus:
Stefan Hansson
Överläkare, professor
Perinatala enheten
Skånes universitetssjukhus
205 02 Malmö
E-mail: skane@impactstudien.se

Mas’uulka maxalliga ah Stockholm:
Peter Lindgren Överläkare, docent
Patientflödeschef Centrum för Fostermedicin
Karolinska Universitetssjukhuset
171 76 Solna
E-mail: stockholm@impactstudien.se

Mas’uulka maxalliga ah ee Dalarna
Lina Bergman Specialistläkare, medicine doktor
Kvinnokliniken, Falu lasarett
Lasarettsvägen 10
79131 Falun
E-mail: dalarna@impactstudien.se